JUBALAND oo sii adkeysay shuruudii ay ku xirtay heshiis laga gaaro doorashooyinka

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sii adkeeyey shuruudda ay ku xireen doorashada Soomaaliya ee la xiriirtay gobolka Gedo, oo ay isku hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcaha ee BBC-da, ayaa hoosta ka xariiqay in dhankooda aysan “doorasho ka qeyb gali doonin hadii lagu wareejin waayo dhammaan deegaannada gobolka Gedo.”

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.

Wuxuu intaas kusii daray: “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Laakiin xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, oo isagana doodda qeyb ka ahaa ayaa difaacayay eedeymaha loo jeedinayay dowladda federeelka. Wuxuu ka jawaabay hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Jubaland.

“Waxaa la yaab leh wasiirku marna wuxuu leeyahay madaxweyne marna wuxuu leeyahay dal buu qabsaday. Soo madaxweynihii dalka ma aha? Meel la qabsaday annagu ma naqaanno, mana aannaan arag. Wax aan micno lahayn in doorashada lagu hakiyo ma aha. Hadda wasiirku go’aan buu gaadhay oo wuxuu yidhi annagu doorasho qaban meyno, mana rabno dooarsho. Hadde waayahaye marka umadda Soomaaliyeed bay u taallaa arrintaasi, wayna na dhageysanayaan, annagu laakiin doorasho ayaan rabnaa,” ayuu yiri xildhibaan Sakariye. 

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xuddun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.