Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ee Sayidka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo si xawli ah ku soo dhaafay ciidamo ku sugnaa isgoyska Dabka, waxaana kadib rasaas lagu furay uu ku qarxay koontaroolka Sayidka ee baabuurta lagu baaro.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burburka gawaari nooca raaxada ah iyo mootooyin nooca Bajaajta ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo la socday gaadiidka iyo mootooyinka ku burburay qaraxaas.

Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

Maamlmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka dhacayey weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabushay oo uu ugu dambeeyey midkii lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.