26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Ahlu Sunna: Galmudug nama aqoonsana anaguna ma aqoonsanin iyaga iyo madaxweyaha ay doorteen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusa Mareeb (Caasimada Online) – Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka hadashay sida ay u aragto doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa doorashadaas uga hadashay qaab aan laga fileyn, iyagoo tilmaamay inaysan waxba   ka quseynin Doorashadii Cadaado ka dhacday, isla markaana aanay jirin wax saameyn ah oo ku leedahay dhinacooda, waxayna midaas dhaawaceysaa wadahadaladii la filayey inay horey usii socdaan doorashada kadib .

Sheekh Maxamed Shaakir Cali oo ah madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna  ayaa sheegay inay ku taagan yihiin wadahadalkii socon waayay ee Muqdisho ka dhacay, ayna soo jeediyeen in labada dhinac ay wax isku darsadaan, taasna ay tahay wadada kaliya ee xal lagu heli karo.

“Waxaan ku ogaa Xaaf inuu ganacsade ahaa, wixii Cadaado ka dhacayna nama quseeyaan, mana aqoonsanin…” ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir.

Wuxuu ku ka dhawaajiyey  inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug, sidoo kalana aysan iyagana aqoonsaneyn maamulkooda, sidaas hadey tahayna loo baahan yahay in arrinta laga soo bilaabo eber lana dhisto maamul loo dhan yahay.

Wuxuu tilmaamay inay dowladda Soomaaliya sabab u aheyd burburka wadahadalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News