Kooxda Ahlu-Suna oo gacanta ku dhigtay hub ay leedahay Amisom iyo Cabdi Waal oo ka hadlay.!!

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa ka hadlay waxyaabaha ay soo kordhin karaan saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee kusoo biirtay dhanka Ahlu sunna kana soo goostay maamulka Galmudug.

Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”, oo maalmo ka hor Ahlu sunna u magacowday taliyaha ciidamada Ahlu sunna ayaa ka hadlay isa soo dhiibataankii Liibaan madaxweyne oo isku soo dhiibay maamulka Ahlu sunna.

Cabdi Nuure Siyaad, ayaa sheegay in isa soo dhiibitaanka Liibaan Madaxweyne ay tahay mid wanaagsan oo ay qaateen ciidamo qaran oo ka tirsanaa dowlada Soomaaliya ayna muhiimad gaar ahaaneed u tahay Ahlu sunna.

Cabdi Waal, ayaa sheegay in soo goosashada saraakiisha qaar ee ka tirsan dowlada Soomaaliya ay fududeyneyso inuu baaqdo dagaalo laga cabsi qabo iney dhexmaraan ciidamada Ahlu sunna iyo ciidamada maamulka Galmudug oo isku horfadhiya deegaanka Mareergur.

“Wax gacan qaad ah ma jiraan, waxaana dhameeyay ciidankii ay doonayeen  inay isku haligaan shacabka ayaa garawsaday inay dagaalka baajiyaan oo dadka Soomaaliyeed nabadda ay la qaybsadaan, wuxuu gartay inuu dadkiisa la qaybsado nabadda deegaankiisana uu yimaado.” Ayuu yiri C/waal oo la hadlay Idaacada Mustaqbal.

Ugu dambeyn Cabdi Nuure Siyaad, ayaa sheegay inuu la kulmay saraakiisha soo goosatay iyo ciidamada ay wataan, wuxuuna cadeeyay in hubka ciidamada wataan uu yahay hubkii AMISOM ay siisay ciidamada xooga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com