AHLU SUNNA oo weerar ku dishay askar ilaalo u aheyd Jeneraal SAADAQ JOON

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo askar ilaalo u ah Saadaq Joon oo dhowaan loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad, kaas oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday weerar dhabagal ah oo lagu qaaday laba gaari oo ay wateen ciidamadaasi wuxuuna xoogiisu ka dhacay deegaanka Balibiri oo waqooyi uga beegan caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 4 askari, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhammaan ka mid ahaa ilaalada Saadaq Joon.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka Ahlu Sunna ay gubeen mid ka mid ah labada gaari oo ay wateen ciidamadaas ayna qaateen qorigii ku xirnaa iyo laba qoray oo Dabajeex ah.

Ciidamada Galmudug ayaa sidoo kale markii dambe gurmad ku tegay deegaanka lagu dagaalamay, iyadoo sidoo kale ciidamada la weeraray ee ilaalada Saadaq Joon ay dib ugu soo noqdeen Dhuusamarbeeb.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dolwad goboleedka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo todobaadyo gudahood ah, iyada oo Ahlu Sunna ay horey Dhuusamareeb ugu dishay askar ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Galmudug.