Ahlu-Suna: Cawaaqib xun ayaa ka dhallan doona wixii Cadaado ka dhacay ee Galmudug gaysatay

Cadaado (Caasimada Online)- Maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa ka hadlay xarigii magaalada Dhuusomareeb loogu geystay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Mr Diirshe Daacad oo ciidamada nabad sugida ku  xireen magaalada Cadaado.

Mursal Maxamed Yuusuf , oo sheegay inuu yahay afhayeenka maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa saxaafada u sheegay in Ahlu sunna ay ka warqabto xariga magaalada  Cadaado ka dhacay, isagoo sheegay in cawaaqib xumada  ka dhalata arimahaasi Galmudug ay dusha saaranayaan.

Afhayeenka wuxuu sheegay iney sameynayaan Talaabo kasta oo ay kusoo deyn karaan madaxweyne ku xigeenkooda, isagoo ku tilmamay maamulka Galmudug Koox diyaarad looga keenay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Madaxweynaha wuxuu ku sugnaa xaafadiisa ciidamo ayaa gaadmo ku xiray, magaalada uu ku shaqeynayay ayuu ku sugnaa, maamulka aad sheegeysaan ee Galmudug waa mid diyaarad looga keenay magaalada Muqdisho, waxaana sameyn doonaa tallaabo kasta oo lagu soo deynayo, waxii ka dhashana Galmudug ayaa dusha saaraneysa”ayuu yiri Mursal.

Kooxo hubeysan ayaa isku dayay iney xoog kusoo furtaan madaxweyne ku xigeenka iyagoo weeraray saldhiga uu ku xirnaa, waxaana suuro galiweysay qorshaha ay damacsanaayeen.

Caasmada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com