R/W Cumar oo magacaabay xil la isku Khilaafay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha DF Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa lagu magacaabay ergayga gaarka ah ee xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa magacaabistaasi u cuskaday baahiyaha ay DF Somalia u qabto in la helo Xubintaasi, waxaana Digreetada lagu xaqiijiyay in magacaabistu ay timid xili ay Dowladu hamuun u qabto Howlaha ergayga gaarka ah.

Magacaabista ayaa waxaa Saxaafada u bayaaniyay Cabdisalaan Axmed Caato oo ah Afhayeenka xukuumadda, waxa uuna sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka uu xilkaasi u magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, taas oo ku timid markii uu Ra’iisul wasaaraha tixgeliyay baahida loo qabo Arrimahaan.

“Xukuumadu waxa ay isla aragtay in ahmiyad gaar ah ay leedahay in Carruurta iyo Tahriibayaasha ay helaan xanaano gaar ah, sidaa awgeed ayuu Ra’iisul wasaaraha markii uu tixgeliyay baahida loo qabo xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaa lama huraan noqotay in uu magacaabo wakiillkaan gaarka ah oo arimahaan u qaabilsanaan doonto”

”Ergaygu waxa ay wax ka qaban doontaa xaaladda ay ku jiraan dhalinyaradeena dhibaateysan ee wadanka u baahan ay si nabad ah ku joogaan, lana ogaado xaaladooda”

Geesta kale, magacaabida ayaa imaaneysa xili dhalinyaro badan ay dalka uga baxeen tahriib ahaan, hase ahaatee waxa ay la kulmaan badi dhibaatooyin u badan jirdillo iyo in la dhaco hantidooda.

Xilkaani ayaa waxaa ku loolamaayay laba Mas’uul, waxaana jiro warar sheegaya in Magacaabidaani uu iminka Khilaaf ka taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com