Ahlu-Suna oo weerartay gaadiid ay la socdeen saraakiisha DF

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu sunna  ee gobolada dhexe ayaa lagu soo waramayaa iney dhaawac u geysteen sarkaal ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya kaasi oo ku sugan gobolka Galgaduud.

Ciidamada ka tirsan maamulka Ahlu sunna ayaa la sheegay iney wadada u galeen sarkaalka ka tirsan ciidamada xooga dalka, kaasi oo marayay inta u dhaxeyso Caabudwaaq iyo Cadaado, sida wararka ay sheegayaan.

Dadka ku sugan Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna rasaasta ay ku fureen gaadiidka ay sababay dhaawaca C/Welli Siyaad oo kamid ah saraakiisha ciidamada militiriga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca sarkaalka loosoo qaaday magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaana la doonayaa in lagu dabiibo Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sargaalka la dhaawacay ee C/wali Siyaad uu horay uga mid ahaa Ahlusunna Waljamaaca,balse uu ka goostay.

Maamulka Ahlu sunna ayaanan wali ka hadlin rasaasta ciidamadooda ay ku fureen sarkaalka ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com