Xog: Caqabado hor leh oo shirka Jowhar soo wajahay, Sabab?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi uu ka taagan yahay muran hor leh oo hakat galiyay shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan iyo Jowhar ay caqabad ku noqdeen in shirka loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintaani kasoo kala jeeda labada Gobol ayaa sheegay in wakhtiga ugu badan lagu lumiyay magaalada Jowhar sidaa aawgeedna aan suuragal aheyn in shirka loo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegen in ujeedka uu yahay in la gaaro xal dhex dhexaad u noqon kara labada dhinac, balse aanu xal noqon karin in marba meel loo raro shirka oo iminka u muuqanaaya mid fashil ku dhow.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa ku doodaaya in DFS ay IGAD kula heshiisay in la juujuubo ergada ka kala socta labada Gobol ee shirka u socdo, waxa ayna tilmaameen inaanu aqbali doonin gumeysi cusub.

Madaxweynaha Somalia, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo IGAD ayay sheegen inay u heshiiyeen ergada balse aanu jiri doonin saamaxaad ay muujin doonaan.

Dhanka kale, ergada labada dhinac ayay ugu baaqeen inaysan aqbalin in wakhtigaani shirka loo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com