Wararkii u dambeeyay Farxaan Xidig oo maanta xabsi la dhigay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay xabsiga dhigeen Fanaan weyn Farxaan Xidig oo ku sugnaa Hargeysa.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in fanaan Xidig xabsiga ay dhigeen ciidamada maamulka Somaliland, gelinkii dambe ee shalay.

Lama oga waxyaabaha ka dambeeya in xabsiga la dhigo fanaanka, waxaase marar badan ciidamada Somaliland ay xireen fanaan Soomaaliyeed oo yimid magaalada Muqdisho.

Farxaan Xidig, ayaa Muqdisho joogay muddo badan waxaana soo baxaya in loo heysto arimo la xiriira safarkii uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Farxaan Xidig ayaa ah fanaan Jabuutiyaan ah.

Caasimada Online
xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com