Puntland oo qabatay 6 nin oo dili rabay Gaas kana yimi Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada amniga Puntland ayaa xasbiga u taxaabay 6 nin oo laga dhex qabtay shir madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo weheliyaan xubno katirsan labada gole ee dowladda iyo bulshada Galkacyo kulahaayeen xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Dadka la qabtay ayaa Puntland waxay sheegtay inay basaasiin u ahaayeen maamulka Galmudug iyadoo qaar kamid ah la sheegay inay yihiin xildhibaano. Waxay kale oo Puntland ay sheegtay inay qorsheynayeen inay dil gaystaan.

Xubnaha ayaa la qabtay xilli nasasho yar galeen mas’uuliyiinta iyo shacabka Shirayay, waxaana lagu eedeeyay inay basaasayeen xogaha ay isweydaarsanayeen dowladda iyo bulshada degmada Galkacyo.

Shakhsiyaadkan, ayaa loo qaaday xabsi ku yaalla magaalada Galkacyo halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Majirto ilaa hadda cid ka tirsan maamulka Galmudug oo arrintaasi ka hadashay.

Qabashada raggan ayaa dhalisay doodo badan oo ku aadan sida ay kusoo galeen shirka, iyadoo kusoo aaday xilli amni xumo baahsan ay ka taagnayd muddooyinkii dambe magaalada Galkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com