Ciidamada Ethiopia oo taliyaha NISA ee Jubbaland xabsi dhigay

Kismaayo (Caasimad Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay xabsi dhigeen Taliyaha Nabad Sugida maamulkaasi.

Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in Taliyaha ay ku xireen Xabsi ku yaalla magaalada Jig Jiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Taliyaha ayaa la sheegay in xiligii la xiraayay uu halkaasi u joogay howlo shaqo, waxaana lasoo warinayaa in xili habeen ah lagala baxay Hooy uu degnaa, sida aan xogta ku heleyno.

Taliyaha ayaa waxaa loo xiray tuhun, waxaana la sheegay in goortii uu halkaasi u socdaalaayay uusan heysan wax ogolaansho ah.

Howlgalka lagu qabtay Taliyaha ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo kuwa Dowlada Ethiopia ee ka howlgala magaalada Jig jiga.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadal xariga Taliyaha hadii uu yahay mid jira xarigiisa.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xariga dhanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo ku saabsan xariga Taliyaha, waxaasa la xaqiijiyay inuu yahay maxbuus

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com