Ahlu-Sunna oo xabsi dhigtay madaxweynihii…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in Kooxda Ahlusunna Wal-jameeca ee G/Dhexe ay Xabsi dhigeen Mas’uul sheegtay inuu yahay Madaxweynaha gobolada dhexe ee Somalia.

Mas’uulkaasi ay Kooxdu xirtay ayaa waxaa lagu sheegay magaciisa C/llaahi Dhoodi oo kamid ahaa isla Kooxda, balse khilaaf jira awgii uu u sheegtay ahaanshiyaha Madaxweynaha G/Dhexe.

C/llaahi Dhoodi oo munaasabad yar ku qabtay duleedka Dhuuso-mareeb, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Mas’uulkaasi sheegtay inuu Madaxweynaha yahay ayaa horay u ahaan jiray guddoomiye waaxeed ka mid ah xaafadaha Dhuusa-mareeb, goortii xilkaasi laga qaadayna uu ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee gobolada dhexe ee Somalia.

Ciidamada Ahlusuna oo ku baxay duleedka magaalada Dhuuso-mareeb oo ay ka soctay Munaasabada Mas’uulkaasi uu ku duudsanaayay Xilka Madaxweyninimo ayaa soo xiray sidaana xabsiga ku dhigay, waxaana lagu wadaa in Maxkamad la soo taago.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Khilaaf xoogan uu iminka ka dhex taagan yahay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Ahlusunada Gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com