Xog: Xeer Ilaaliyaha oo aqbalay codsiga Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa waxaa lagu sheegay inuu ka codsaday xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya sii deynta Wariyaasha ka tirsan TV Universal.

Nuxurka Qoraalka kasoo baxay xafiiska Jawaari, waxaa lagu sheegay in xeer ilaaliyaha qaranka laga dalbaday iney si sharuuf la’aan ah lagu daayo Wariye Cawil Daahir Salaad iyo C.laahi Xersi Kulmiye oo u xiran hayadaha amaanka dowlada.

Qoraalka Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xeer ilaalinta qaranka ka aqbashay in lasii daayo wariyaasha dhawaana lasii deyn doono wariyeyaashaasi.

Dhanka kale qoraalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay in xildhibaanada ku luglahaa xeritaanka wariyaasha ee lagu wareystay Taleefishinka Universal ay baaritaano ku sameyn doonaan gudiga xeer hoosaadka & Anshaxa baarlamaanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xabsiga dhigtay wariyaasha ka tirsan TV-ga Universal waxaana loo heystay barnaamij dood wadaag ah oo ka baxay Tv-ga

Jawaari_Warsaxaafadeed