Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Aadan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu baaqday kulankii lagu dhax dhaxaadin lahaa xildhibanada baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanka oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka maanta uu baaqday sabab la xiriira maqnaanshaha ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya oo Mareykanka ku maqan.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in 10-ka bishaan uu dhacayo kulankaasi xiligaasi oo la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu dalka kusoo laabto, maadaama uu codsaday in kulanka dib loogu dhigo inta uu ka imaanayo.
Wararka kale oo aan heleyno waxay sheegayaan in xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka keenay qaarkood la waayay ayna sabab u tahay baaqasashada kulanka maanta.
Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya ineysan wadahadal la galin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]