Qarax Ciidamo lagu laayay oo goordhow dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose kaasi oo dhawaqiisa laga wada maqlaayay inta badan degmada.

Qaraxa oo khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Degmada xili halkaasi ay aheyd mid mashquul badan.

Qaraxa ayaa la Xaqiijiyay inuu ku dhintay Hal Askari islamarkaana uu ku dhaawacmay Askari kale oo kamid ahaa dadkii suuqaasi ku sugnaa.

Qaraxa kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Yuusuf Maxamed oo ah gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Afgooye waxa uuna sheegay in Qaraxa uu ahaa mid goobta lagu diyaariyay islamarkaana ay jiraan Ciidamo ku dhintay iyo kuwo kale oo uu dhaawac kasoo gaaray.

Waxa uu sidoo kale, tilmaamay in Ciidamada Amaanka ay wadaan Baaritaano lagu baadi goobayo dadkii Qaraxaasi ka danbeeyay.

Qaraxa ayaa imaanaya xili inta badan Degmada Afgooye ay ehel u noqotay Qaraxyo loo adeegsado Miinooyin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com