Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dabley hubeysan ku dileen ruux uu adeer u ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Dableyda hubeysan ayaa labo ruux uu kamid yahay wiilka uu adeerka u ahaa Xasan Sheikh Maxamuud ku dilay xaafada Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Wiilka ayaa waxaa lagu magacaabayay Dr Liibaan Cismaan Cilmie oo dhawaan aabihii uu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dr Liibaan ayaa ka shaqeynayay isbitaal imaaraatka carabta leeyihiin oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay dilka wiilka uu adeerka ahaa Xasan Sheikh maxamuud ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]