Fadeexadii shirkada Soma Oil & Gas ka raacday Soomaaliya oo arrin cusub sababtay (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa fashil iyo Ceeb dhex fadhiya Shirkadda Soma Oil & Gas oo waayahaani danbe lumisay kalyantigii ganacsi oo ay ku laheyd caalamka intiisa kale, kadib markii uu saameeyay Fashilkii musuq ee ka raacay Somalia.

Shirkada ayaa 40% hoos uga dhacday dhanka dhaqaalaha iyo kaalintii ay ku dhex laheyd shirkadaha kale ee Caalamka.
Hoos u dhaca ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro qoraalada ay ka faafisay Hay’adda QM oo sheegtay in talaabooyin la xiriira Musuq lagu helay Shirkada.

Michael Howard oo ah madaxa Soma Oil & Gas oo horay u ahaa hogaamiyaha Xisbiga Muxaafidka dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in shirkadiisa ay muddo kooban ku lumisay lacag dhan $8.9 Milyan oo ay Khasaartay.

Sidoo kale, Michael Howard oo ah madaxa shirkada ayaa sheegay in sahmin iyo arimaha la xiriira ilaa iyo hadda bixisay lacag dhan $41.3 million.

Fadeexada shirkadaani ku habsatay ayaa sababtay in shirkadu ay hoos u dhacdo, sababo la xiriira Dowladihii qandaraaska ay la gali laheyd oo ka didsan musuqa lagu eedeeyay Shirkada.

Geesta kale, Shirkaddan oo fadhigeedu yahay dalka Britain, waxaa xafiiskeeda u dhacay waaxda U.K. Serious Fraud July 31 ee sanadkan iyagoo baaray lacag la sheegay in lagu bixiyay waxa loo yaqaano “capacity-building” ama tababarka iyo khibrad siinta shaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com