27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Akhriso afarta qodob ee ay isku fahmeen Kheyre iyo Kristalina

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa wax uu kasoo baxayaa kulan magaalada Washington ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Madaxa Fulinta Bangiga Adduunka.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku saleysnaa sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu kulanka socda Madaxa Fulinta Bangiga Adduunka ka dalbaday in la qeexo nidaamka ugu sahlan oo uu Bangiga dhibta jirta kaga saari lahaa dowlada Somalia oo aan weli heysan dhaqaale ku filan.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Fulinta Bangiga Adduunka, ayaa wada hadal dheer kadib isla fahmay qodobo dhowr ah, waxa uuna Mr Kristalina qalinka ku duugay:

1-In Bangiga Adduunka uu Somalia usoo diri doono Khubaro ku xeel-dheer arrimaha maamulka iyo maaliyada.

2-In Bangiga Adduunka uu kordhinaayo miisaaniyada ay ugu yaboohan Somalia, si loo dardar galiyo howlaha dowlada ee hakatka ugu jira dhaqaalo la’aanta.

3-In Somalia laga taageeri doono horumarinta Bankiga iyo tayeyntiisa.

4-Dib usoo celinta xiriirka rasmiga ee Bankiga adduunka kala dhexeeya kan Somalia.

Kristalina Georgieva, ayaa sheegay in Bangiga Adduunka ay ka go’an tahay inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan

”Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka.”

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ballanqaaday in dowlada Somalia ay dhankeeda ka xoojin doonto heshiiska ay la saxiixatay Bankiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News