Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiirada la magacaabay iyo kuwa xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa idiin soo gudbineyso beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiirada xilka laga qaaday iyo kuwa la magacaabay:

  1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah, Habargidir/Ceyr waxaa booskiisa lagu badalay: Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo u dhashay Beesha Habargidir/ Ceyr/ Habaraji kaasoo loo magacabay Wasirka Arrimaha Gudaha.
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha
  1.  Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Isaaq/Habar Jecle, waxaa lagu badalay Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye) oo u dhashay isla  Isaaq/Habar Jecle.
  2. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Majeerteen, waxaa lagu badalay Danjire Axmed Ciise Cawad oo isna isla Majeerteen ah, waxaana loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Debadda.

Booska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa mar kale lagu soo celiyey Hawiye, gaar ahaan Habargidir.

Dhanka kale Majeerteen ayaa loo weeciyey Wasaaradda Arrimaha Debadda, halka Booska seddexaad isla beesha Isaaq lagu celiyey.

Arinta waxay imaaneysaa iyadoo wali ay banaanyihiin boosaskii ay baneeyeen labo kamid ahaa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, oo kala ahaa wasiirkii gargaarka iyo wasiirkii diinta iyo Awqaafta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com