Goorta ay DF si buuxda ula soo wareegeyso maamulka hawada oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Somalia Maxamed C/laahi Salaad, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay lasoo wareegi doonaan maamulka Hawada Somalia.

Wasiirka oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay soo dhammaaden dhammaan dadaaladii loogu jiray dib usoo celinta Hawada Somalia.

Waxa uu Wasiir Maxamed C/laahi Salaad sheegay in iminka ay isku diyaarinayaan keliya soo wareejinta maamulka Hawada Somalia, waxa uuna cadeeyay in fulinta howlahaasi ay ku baxday wakhti badan.

Maxamed C/laahi Salaad, waxa uu tilmaamay in hadda Maamulka Hawada Somaliya laga maamulo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo wixii ka dambeeyay burburkii Dowladii dhexe illaa hadda laga maamulaayo.

Wasiirka ayaa cadeeyay in Bisha October ee sanadkan gudihiisa ay dowlada Somalia ay la soo wareegayso Maamulka Hawada, inta ka horeysana laga sii maamuli doono magaalada Nairobi.

Sidoo kale, wasiirka waxa uu farta ku goday in mudada ka harsan Bisha October ay sii wadi doonaan diyaarinta dhammaan goobihii loogu tallo galay in laga maamulo Hawada Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu ballanqaaday in Wasaaradiisa ay qaadi doonto talaabo waliba oo khuseysa howlaha ay ku magacaabantahay Wasaarada, si loo xaqiijiyo Hawada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com