Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland C/qaadir Faarax Shire.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayuu ku sheegay in illaa ammar dambe shaqadii laga fariisiiyey taliyaha, mana aanu sheegin sababta arrintaasi ka dambeysay.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa aad looga hadal hayaa shaqo joojintan lagu sameeyey Taliye Shire.

Wareegtadan laguma sheegin cidda sii wadi doonta howsha taliyaha maadaama la fariisiiyey.

Wareegtada halkaan hoose ka akhriso: