Xog: Guuleed oo soo magacaabay xubno Xasan kasoo horjeeda

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah usoo gudbiyay Liiska Aqalka sare ee Galmudug.

Liiska uu soo gudbiyay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka buuxa xubno si aad ah kaga soo horjeeda Siyaasada Xassan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha ku jira Liiska uu soo gudbiyay C/kariin Guuleed ayaa waxaa ka dhexmuuqda xubno gabi ahaan kasoo horjeeda in dalka uu mar kale ka taliyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xubnahaani uu soo xulay C/kariin Guuleed ayaa saameyn xoogan ku yeelankara dadaalka uu Xasan Sheekh ugu jiro soo laabashadiisa, waxaana la sheegay in C/kariin Guuleed qudhiisa uu Siyaasad ka damacsan yahay xulista Xubnahaasi maadaama ay isku dhacsan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.
liiska