Guuleed oo doonaya in Gaalkacyo uu ka taliyo hal maamul kaliya

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Gaalkacyo aysan amaan heli doonin inta looga sameynaayo hal maamul oo mideeya.

Guuleed waxa uu sheegay in dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo uu yahay mid soo laalaabtay hayeeshee aysan magaalada heli doonin xasilooni inta ay ka talinayaan laba maamul oo kala hadaf duwan.

C/kariin Guuleed waxa uu Maamulka Puntland dusha kaga tuuray mas’uuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaallada labada maalin ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu Guuleed sheegay in Puntland aysan u diyaarsaneyn in magaalada Gaalkacyo ay hesho amaan iyo kala danbeyn waana tan Galmudug ku dhalisay ayuu yiri difaacida deegaanadeeda.

Guuleed wuxuu sheegay in magaalada Gaalkacyo aysan ka talin doonin labo maamul iyadoo la wada og yahay inay iminka u qeybsan tahay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka kala taliya Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

”Waxaan rabnaa in Hal maamul ay gacanta u gasho Gaalkacyo waana ayaan daro in labo maamul ay leedahay mana ahan mida xalku ku jiro”

C/kariin Guuleed ayaa u muuqanaaya mid hadalkiisa ku dhiiragalinaaya Maamulka Puntland, waxaana laga dheehan karaa inuu u taag la’ yahay qeybta uu Gaalkacyo ka heysto.

Hadalkani ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo laba maalin ah magaalada Gaalkacyo galbeedkeeda Koonfureed uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com