Aqri liiska magacyada 8-da wasaaradood ee ugu tayada xun xukuumadda Somalia (Yaa kow ah?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ee uu horboodaayo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa kulmisay Wasaarado isugu jira kuwo si hufan shaqadooda looga dareemaayo Somalia iyo kuwa aan kasoo dhalaalin howlihii loo igmaday.

Xukuumada Sharmaarke oo ay ku jiraan Wasiiro aan horay uga qeybqaadan Siyaasada dalka ayaa waxaa jira in wasiirada qaar aysan laheyn Xafiisyo ay ku shaqeeyan, halka qaarna ay isku heleen Xafiisyo iyo shaqooyin la taabankara.

Inta badan Wasiirada ayaa waxaa ku jira kuwo aan u shaqo tagin xafiisyada ay mas’uulka ka yihiin, waxaana kuwaasi barbar socda kuwo kale oo xafiisyo ka dhigtay Hoteelada ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho.

Wasaaradaha Xukuumada Somalia qaarkood ayaa xiran xiliyada aad uga baahato howl, halka qaarkoodna ay yihiin kuwo shaqeeya ilaa galbihii.

DFS ayaa wasaaradaha qaar aan ugu tallo galin inay shaqeeyaan kuwaasi oo aan iminka la gaarin xiligooda, balse uu ujeedku yahay in lagu raali galiyo beelo qeybta ka ah awood qeybsiga.

Haddaba waxaan halkaani idinkugu heynaa tirro wasaarado ah oo iminka aan shaqooyinkii loogu tallo galay u qaban bulsho-weynta Soomaaliyeed waxaana kamid ah wasaaradahaasi:-

1-Wasaaradda Arrimaha Dibadda

2-Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada

3-Wasaaradda Caafimaadka

4-Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda

5-Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska

6-Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

7-Wasaaradda Beeraha

8-Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga.

Si kastaba ha haatee, DFS gaar ahaan Xukuumada Somalia ayaa looga fadhiyaa in shaqo joojin ay ku sameyso wasaaradaha kor ku xusan ama ay u abuurto shaqooyin ay kula macaamilayaan shacabka ay Howsha u hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com