Xog: Xasan Sheekh oo xilka ka qaadaya Gaafoow

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Saraakiil ka tirsan DFS ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameynaayo Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia Generaal C/laahi Gaafow.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Gaafow la hordhigay laba xulasho oo kala ah in loo magacaabo xil kale iyo inuu la imaado shaqsi kale si uu isaga u bedelo.

Madaxweyne Xassan ayaa doonaya in isbedel uu ku sameeyo laanta Jinsiyadaha waxa uuna booskaasi u wadaa nin qurba joog ah kana tirsan garabka Damul-jadiid oo qaraabo hoose ay yihiin.

Madaxweyne Xassan oo qorshahaasi wata ayaa iminka Generaal C/laahi Gaafow uga fadhiya inuu la imaado mid kamid ah qodobada la hordhigay, waxa uuna Xassan Sheekh ku doodayaa in Gaafow uu ku raagay xilkaasi loona baahan yahay shaqsi kale oo xilkaasi kusii shaqeeya.

Ilo ku dhow dhow Generaal C/laahi Gaafow ayaa inoo xaqiijiyay in Gaafow uu latashiyo la sameynaayo Beesha uu kasoo jeedo si fursada la hordhigay uu uga faa’iideysto, inkastoo warar hoose ay sheegayaan inuu wato Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo saaxiib dhow la ah.

Odayaasha Beesha Karanle/Murusade ayaa Gaafow kula talinaaya in xilka uu hadda hayo ku doorsado ahaanshiyaha Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo uu iminka hayo C/raxmaan Tuuryare.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa ka caga jiidaaya in Nabadsugida loo dhiibo shaqsi aan aheyn reerkiisa, taasi oo lagu micneeyay inuu isku ilaalinaayo Taliyaha iminka xilkaasi hayo Tuuryare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com