Magacyada 15 mas’uul oo xilal loo magacaabay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu magacaabay Maamul cusub oo la sheegay in si KMG ah ay usii heyn doonaan degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobalka Galgduud.

Wareegtadaasi ayaa waxaa ku qoran 15 xubnood, waxaana la sheegay in xubnahaasi ay shaqeyn doonaan kaliya muddo 90 cisho ah.

Wareegtada lagu magacaabay Mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Jaamac Xasan Salaad oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug.

Xubnaha maamulka degmada Caabudwaaq ee sida KMG ah loogu dhiibay degmada ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi

2-Gudoomiye ku-xigeenka degmada Muxudiin Cabdi Geelle,

3- Xoghayaha dowladaha hoose Cabdikaafi Sheekh Cali

4- Madaxa waaxda amniga iyo siyaasadda Cabdulle Cartan Aadan

5- Madaxa waaxda arrimaha bulshada ee degmada Yuusuf Maxamed Axmed

6- Madaxa waaxda maaliyadda Axmed C/qaadir Aadan

7- Madaxa garsoorka maamulka Ibraahim Faarax Cabdulle

8- Talyaha Nabad sugidda Guurow Xaashi

9- Ku-xigeenka dowladaha hoose C/kaafi Muuse Yuusuf,

10- Ku-xigeenka waaxda amniga iyo siyaasadda degmada Cabdi Cabdiraxmaan

11- Ku-xigeenka waaxda arrimaha bulshada
Cali Maxamed Nuurre

12- Ku xigeenka maaliyadda Cabdirisaaq Diiriye

13- Ku-xigeenka garsoorka Sayid Maxamuud

14- Taliyaha nabad sugidda ku xigeenkiisa Cabdiweli Xirsi
15-Taliyaha Booliska magacaabistiisa dib ayaa loo dhigay, si looga tashado

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com