QARAX xooggan oo oo goor dhow ka dhacay…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ay la socdeen Saraakiil AMISOM ah Qarax halkaasi lagula eegtay.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu aasay hareeraha wadooyinka, goortii ay halkaasi soo gaarena lagu qarxiyay.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u culus oo laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM uu ku basbeelay qaraxaasi iyadoona khasaaro nafeed uu jiro sida ilo deegaanka ay xaqiijiyeen walow aan la ogeyn xadigeeda.

Ciidamada AMISOM ayaa markii qaraxa lala eegtay kadib rasaas u furay afarta Jiho ee Meesha ay wax ka dhaceen iyadoona durba Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ay goobta wax ka dhaceen gaareen kuwaas oo howlgallo halkaas ka billaabay.

Ma jiro wax war ah oo la xiriira weerarkaasi oo kasoo baxay Taliska AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com