Xog: Isku shaandheynta golaha wasiirada DF oo lagu heshiiyay (Yaa xilkooda waayey) + Magacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo todobaadkan ay soo baxayeen warar la isla dhex marayay oo ahaa inuu socdo qorshe la doonayo in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada ayaa waxaa xalay soo baxday in Madaxda dowladda ay guda galeen qorshihii ugu dambeeyay ee isku shaandheynta Xukuumadda, taasoo ay suura gal tahay in maalmaha soo socda ay dhacdo.

Warar ay Jowhar.com ka heleyso ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in labaddii maalmood ee ugu dambeeyey kulamo ku saabsan qorshaha isku shaandheynta ay ka socdeen labada xafiis.

Kulamadan ayaa hada soo gaaray heer gabo gabo ah, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn Wasiirada ay saameyn doonto isku shaandheyntan.

Siyaasyiin iyo mas’uuliyiin ku dhow dhow xafiisyadda madaxda dowladda ayaa sheegaya in wasiiro muhiim oo Xukuumadda saameyn ku leh ay saameyn doonto isku shaandheynta, isla markaana ay u badan tahay in Xukuumadda ay ka soo dhex muuqdaan ragg horay Wasiiro uga soo noqday Xukuumadii tan ka horreeyey iyo sidoo kale dowladihii KMG ka ahaa.

Kadib xalkii laga gaaray mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ee ay bishii Agosto ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baaralmaanka ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha uu bilaabay inuu ka fikiro meel marinta heshiiskii lagu soo afjaray mooshinka, iyadoo qeyb ka tahay is bedelo waa weyn oo lagu sameeyo Hey’addaha dowladda.

Is bedelada Xukuumadda lagu sameynayo iyo kuwa laamaha ammaanka ayaa qorshaha ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay sidii howlaha dowladda hor-yaala ugu qabsoomaan muddada 10-ka bilood ee u haray dowladda.

Xalkii bishii la soo dhaafay laga gaaray mooshinka ayaa qeyb ka ahaa in is bedelo lagu sameeyo hey’adaha dowladda, si muranka siyaasadeed ee jiray loo soo afjaro, ha yeeshee waxaa la dhowrayaa sida ay noqon doonaan go’aamada maalmaha soo socda la filayo inay qaataan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Tallaabadii u horeysay ee is bedelka ayaa la rumeysan yahay in Madaxweynuhu u qaaday xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoo Yuusuf Xuseen Jimcaale loo magacaabay jagadaas, kaasoo todobaadkan la wareegay.

Xubnaha weyn doona xilkooda ayaa waxaa ka mid ah kuwan

losers

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com