Akhriso liiska madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Uhuru Kenyatta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay marti galisay Hogaamiyayaal ka socda dalalka saaxiibada la ah Kenya oo la filaayo inay ka qeybgali doonaan caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasaaradu waxa ay tilmaantay in caleemasaarka dhacaaya maanta oo talaado ah ay ka qeybqaadan doonaan 24 dal.

Madaxda xaflada ka soo qeyb galaysa ayaa isugu jira 11 Madaxweyne iyo 13 mas’uul kale oo loo soo wakiishay in dalkooda ay xaflada umatalaan.

Waxaa caleemasaarka qeyb ka noqon doona marti sharaf kale oo wehlin doona Madaxweynayaasha iyo kuwo saaxiibo la ah Madaxweyne Kenyatta.

Caleemasaarka ayaa ka dhacaaya Garoonka cayaaraha ee Kasaraani ee magaalada Nairobi waxaana aad loo adkeeyay amniga Garoonka iyo guud ahaan kan magaalada.

Madaxda ilaa iyo hadda la casuumay ee ka qeybgalaaya caleemasaarka ayaa waxaa kamid ah:

1-Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

2-Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musaveni.

3-Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame.

4-Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli.

5-Madaxweynaha Botswana, Ian Kama.

6-Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
7-Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele.

8-Ra’iisulwasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn

9-Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob.

10-Madaxweynaha Togo, Faure Gnassingbe.

11-Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu

Waa markii labaad ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto loo caleemo-saari doono xilkaasi, iyadoo Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay bishan November 20-dii ansixisay inuu Uhuru ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee ku celiska ahayd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com