Muxuu salka ku hayay kulankii madaxweynaha Seychelles iyo Yuusuf Garaad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jasiirada Seychelles Danny Faure ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heer Wasiiro ah uu dalkiisa soo booqdo.

Wuxuu sheegay in ay weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan.

Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd.

Wasiir Garaad ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo in horumar ay ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha hey’adaha Dowladda.

Waxa ay isla fahmeen sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faa’iideysto.

Waxaa kale oo ay isla soo qaaden sida ay labada dal isaga kaashan lahaayen aqoonta ka manaafacaadsiga badda, ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Waxay kawada hadleen Maxaabbiista Soomaaliya ee ku xiran Seychelles sidii dhakhso loogu wareejin lahaa geyigooda.

Maxaabiista waxay ku doodayaan in ay yihiin kalluumeysato, wax hub ahna laguma qaban.

Sidoo kale, Wasiir Garaad ayaa xarunta Xeer Ilaalinta fadhi kula qaatay sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Seychelles. Waxa ayna ka wadahadleen suurta-galnimada in Qareen Soomaaliyeed uu u doodo lixda eedeysane ee Soomaalida ah marka dacwaddooda la qaadayo.

Fadhiyada Madaxtooyada waxaa igu wehliyay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Abdilatif Maxamuud Cali. Dhanka Seychelles waxaa fadhiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barry Faure, La Taliyaha Madaxweynaha Danjire Calixte D’Offay, Madaxa Xabsiyada Sychelles, Raymond Ange iyo Madaxa Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Ms. Aissata DIA.

Ugu danbeyntii, Wasiir Garaad iyo Wafdigiisa ayaa iminka ku biiray wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo wejiga hore ee socdaalkiisu yahay in uu ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com