Maleeshiyada Daacishta Somalia oo baacsi ku bilowday ciidamada maamulka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay culeys xoogan kala kulmayaan Daacishta Somalia ee ka howlgasha Buuraaleyda Galgala.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada Puntland ee dhawaan la geeyay afafka hore ee buuraaleyda Galgala ay dib uga soo gurteen Saldhigyadii ay ku sugnaayen, kadib hujuum ay kala kulmeen maleeshiyaadka Daacish.

Maleeshiyaadka Daacish oo baqdin ka qaba in ciidamada Puntland ay gudaha ugu galaan Buuraha ayaa Hoobiyayaal joogta ah ku garaaca Saldhigyada ciidamada.

Hoobiyayaasha qaar ayaa la xaqiijiyay inay burbur xoogan u geysteen Gaadiid iyo barokoontarool oo fadhiisin u aheyd ciidamada.

Hoobiyayaasha ayaa la sheegay inay yihiin kuwo lagu waabinaayo ciidamada maamulka Puntland oo iyagu wada qorsho ay ku doonayaan inay ku galaan Buuraha.

Sidoo kale, Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ku sugan difaaca Galgala ayaa dhankooda kawada abaabul ciidan oo sahli kara in Daacish looga faa’iideysto duqeymaha ku socda Saldhigyadooda.

Geesta kale, diyaaradaha Mareykanka ayaa maamulka Puntland garab kusiinaya duqeymo cirka ah si ay ugu sahlanaato galitaanka Buuraha Galgala oo Saldhig u ah maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com