Khilaafka ka dhashay biyo xireenka oo dagaal qarka u saaray Masar iyo Ethiopia

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku shareeray khilaaf u dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Masar, kaa oo ka dhashay dhismaha biyo xireenka Ethiopia iyo Masar.

Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay kadib markii dowlada Ethiopia ay laba jibaartay dhismaha biyo Xireenka Grand Renaissance Dam.

Dowlada Masar oo ka careysan talaabada ay Dowlada Ethiopia kusii dhiseyso biyo xireenka ayaa is hortaag ku sameysay xooligii lagu dhisaayay biyo xireenka.

Mashruuca biyo xireenka ayaa hakat galiyay xiriirka labada wadan, maadaama ay dowlada Masar doonayso in Ethiopia joojiso dhismaha biyo xireenka ilaa inta la dhameystirayo daraasad lagu wado saameynta uu biyo-xireenka ku yeelan karo biyaha soogaara Masar iyo Sudan.

Masar iyo Ethiopia ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu ka dhex curto dagaal ka dhasha dhismaha biyo xireenka, waxaana muuqanaaya fariimo muujinaayo colaad oo ay is weydaarsanayaan labada dal.

Geesta kale, Shacabka dalka Masar ayaa noloshooda ku xiran biyaha wabiga Nile, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Masar Al-Sisi uu horay u cadeeyay inuu adeegsan doono awood militari haddii ay Ethiopia sii wado dhismaha biyo xireenka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com