Jawaari oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa dhibaatada haysata….

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ay wadaadada qaar ku hayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Jawaari ayaa sheegay in xiligaan dhalinyarada Soomaaliyeed lagu shubay fikir Khaldan isla markaana dhibaatooyin farabadan ay heestaan.

Waxa uu Jawaari sheegay inay jiraan wadaado u dhib u joog ah isla markaana ka shaqeeya in dhalinyarada Soomaaliyeed ay mar waliba ka habaabiyaan fekerada wanaagsan oo ay heystaan.

Waxa uu tilmaamay in wadaadada uu eeda u jeedinaayo ay maskaxda ka lumiyeen boqolaal dhalinyaro, iyadoo taa bedelkeeda loo baahan yahay in laga hortago.

Wuxuu cadeeyay in dhalinyarada laga indha sarcaadiyay inay ka shaqeeyan amniga iyo horumarka dalkooda, taa oo ay ugu wacan tahay duruufaha nololeed ee ka jira dalka.

Waxa uu Gudoomiye Jawaari ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda isla markaana ay ogaadan in aysan waxba u qabaneyn wadaadada ku abuuraya fikirka Khaldan sida uu hadalka u dhigay.

”Kuwa idin khaldaaya ma arkaan carruurtooda, waxaan qireynaa inay cadow ku yihiin noloshiina, horumarkiina iyo amni ka dhasha dalkiina”

Sidoo kale, Jawaari ayaa wadaadada ku howlan luminta dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka waantooban isla markaana u diir naxaan carruurta aysan dhalin oo ay marin habaabinayaan.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa si guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhameystiraan waxa yar ee ka harsan Amniga iyo Horumarka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com