Maxaa looga hadlay kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan khaasa kula yeeshay dhigiisa Kenya Uhurro Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada iyo Ganacsiga, waxa ayna isla fahmeen inay muhiim tahay in lagawada shaqeeyo dhinacyada aan kor kusoo xusnay.

Farmaajo iyo Kenyatta ayaa isla fahmay in waxbadan laga bedelo wada shaqeynta ka dhexeysa labada dal, isla markaana kor loo qaado xiriirka Amniga iyo Ganacsiga.

Kenyatta ayaa dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u sheegay in Somalia ay ka saaci doonaan dhanka amaanka waxa uuna cadeeyay inay dareemayaan isbedel dhanka amaanka ah.

Waxa uu u ballanqaaday inay kala shaqeynayaan sida dowladaha horumarsan ay isku garabtaagi lahaayen Somalia oo iminka kasii baxeysa burburka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa ka sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida Kenya ay kala shaqeyn lahaayen dhammaan waxyaabaha karaankooda ah.

Geesta kale, dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarka, waxaana xusid mudan inuu jiro gudi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada iskaashi ee u dhaxeeya labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com