Uhur Kenyatta oo si yaab leh uga ru sheegay arrin ku saabsan argagixsada Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in colaadaha ka jira qaarada Madow ee Africa ay soo idlaan doonto marka Somalia lagu garabsiiyo hanaanka ay uga bixi laheyd dhibta ay ku jirto.

Uhurro Kenyatta, ayaa sheegay in inta badan wadamada Africa dhaca ay marti galinayaan Kooxo argagixiso ah oo qalqal amni u abuuray Africa, balse waxaa oo idil ay ku xiran tahay Somalia oo ay ka dhalato Nabad.

Waxa uu Kenyatta hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid ah Madaxda martida ku ah caleema-saarkiisa, waxa uuna u cadeeyay in maslaxada amni ee Africa ay tahay mid ku jirta Somalia oo heshaa nabad.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Somalia wey ka daashay burbur, argagixisada ku dhex nool Africa waxa ay kasoo bilowdeen Somalia, waxaan xal u aragnaa inaan Nabad u raadino Somalia si ay Africa u hesho Nabad”

”Nabadda Africa waxa ay ku xiran tahay Nabada Somalia, waxaan rajeynayaa in Madaxda Africa ay qaadan doonaan soo jeedinteyda maadaama ay sii kordheyso argagixisada Africa”

Sidoo kale, Uhurro Kenyatta ayaa farta ku goday inay ka shaqeynayaan wado waliba oo Somalia ay ku gaareyso Nabad, iyadoo lala kaashanaayo wadamada awooda ciidan ku dhex leh Africa.

Docda kale, waxa uu rajo weyn ka muujiyay in soo laabashadiisa ay kheyr u noqon doonto Somalia oo iminka kasii baxeysa burburka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com