Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ka dhoofay diyaarad siday ilaa 10 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal kuwaas oo doonayo inay xal ka keenaan khilaafka cirka isku shareeray ee ka jiro Cadaado, waxayna xildhibaanadaan dhammaantood kasoo jeedaan deegaanada Galmudug.
Xildhibaanada u dhoofay Magaalada Cadaado waxaa kamid ah:
- Xildhibaan Mahad salaad
- Xildhibaan Zakariye
- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
- Xildhibaan Cabdi Weli Qanyare
- Xildhibaan Xasan Macalin
- Abshir Bukhaari
- General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
- Senetor Jawaahir
- Xildhibaan Maryan
- Xildhibaan Cabdicasiis
Iyo kuwa kale oo aanan halkaan kusoo koobi karin, waxaana la sheegay inay saacadaha soo sodo Magaalada Cadaado gaari doonaan iyagoo kulamo la qaadan doono madaxda Sare ee Maamulka Galmudug sida Madaxweyne Xaaf , Madaxweyne Ku xigeenka Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir.
Xildhibaanada ayaa sheegay inay halkaas u aadayaan sidii loo badbaadin lahaa Maamulka Galmudug oo ay sheegeen inuu ku jiro xaalad halis.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya faragelin iyo dagaal ku heyso Maamulka Galmudug, wuxuuna Axmed Macalin Fiqi sheegay inaysan aqbali doonin la dumiyo Maamulka Galmudug oo uu sheegay in dhibaato badan laga soo maray sameyntiisa.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.