Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabelle oo hadal xasaasi ah kasoos saaray xiisadda Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha oo  Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay baaqii kasoo yeeray Axmed Madoobe ee ahaa in uu Gogol Nabadeed dhigayo Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in hadalkaas uu soo dhaweynayo isaga oo ah Madaxweynaha Hir-Shabeelle isla markaana uu sugayo waqtiga rasmiga ah ee wadahadaldaas ay furmi doonaan uuna tegi doono Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Maamulka Galmudug waxa uuna sheegay in dhisitaankii Maamulkaas dhibaato adag laga soo maray sidaas darteedna ay wanaagsan tahay in wax walba wadahadal lagu dhameeyo.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay iney muhiim tahay wax waliba in lagu xaliyo wada hadal,islamarkaana horay loo sii wado waxqabadka maamulka,wuxuuna carabka ku adkeeyay in xilligan loo baahneyn xiisad ka dhex ooganta madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

‘’Waxaan leeyahay dhismaha maamulka Galmudug dhibaato badan ayaa laga soo maray, ma’aha in la dumiyo dadka arintaa ku howlan waxaan leeyahay halaga fiirsado, khilaafkana lagu xaliyo wadatashi’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay kaddib markii gudoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay xabsi guri ku jiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Waare