Cosoble “Dowladda Federaalka Waxay Dumineysaa Maamul Goboleedyada”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda Galmudug isla markaasna ay xildhibaano gaarayo 17 Xildhibaan ay ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa arrintaas ka hadlay siyaasiyiin badan oo uu ugu dambeeyo madaxweynahii Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaaliya  ay ku howlan tahay duminta maamul goboleedyada dalka.

Cosoble oo u waramay Goobjoog Fm, isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayuu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay sidii lagu burburin maamullada iminka dalka ka jira.

Waxa uu tilmaamay Cosoble in markii dib loo eego wixii uu isaga kala kulmay baarlamaanka Hirshabelle iyo waxa hadda ka jira Galmudug ay caddeyn buuxa u tahay in dowladda ay kaalin mug leh ku leedahay waxa soconaya.

“Dowladda Federaalka waxay dumineysaa maamul goboleedyada dalka ka dhisan, waxay ku howlan tahay in la burburiyo maamullada sida sharciga ah ku jooga, waxaana dareemi kartaa wixii ka dhacay Jowhar iyo Cadaado” ayuu yiri Cosoble.

Dhanka kale, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa weli sheegaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Hirshabelle, magaalada Jowharna ay xoog uga soo saartay dowladda Federaalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka kasoo yeeray Cosoble ayaa kusoo aadayo xilli siyaasiyiinta kasoo jeedo Deegaanada Galmudug ay sheegeen inay dowladda Soomaaliya ka shaqeeneyso sidii loo dumin lahaa Maamulka Galmudug isla markaasna la isaga hor keeni lahaa dadka walaalaha ah.

Xildhibaano uu hoggaaminayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee  Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa daqiiqado ka hor ka duulay Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeedo Magaalada Cadaado si ay xal ugu keenaan isla markaasna ay u badbaadiyaan Maamulka godka kusii dhacayo ee Galmudug.