Akhriso min bilow illaa dhamaad cidda ka dambeyso waraaqdii uu soo saaray wasiiru dowlaha arrimaha gudaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xalay waqti dambe markii la seexday ayaa waxaa Emailka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha laga soo saaray warqad aan laheyn wax sumad, Taariikh, Saxiix, Tiimbare ah laheyn laguna sheegin Mas’uulka ku saxiixan.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa dabagal iyo baaritaan ku sameysay sababta keentay in Waraaqdaas lasoo saaro cidda ka dambeysay, xafiisyada dowladda ee arrintaan dabada ka riixayey.

Yaa soo saaray Waraaqdaan?

Inkastoo waraaqdaan aysan ku qorneyn cid Mas’uul ah, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeyso inuu soo sameeyey Wasiirul dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdullaahi Faarax Wehliye oo deegaan ahaan kasoo jeedo Degmada Ceebuur ee Gobolka Galgaduud.

Yaa ku qasbay inuu soo saaro?

Sida aan xogta ku helnay waxaa ceebtaan dhexda ka geliyey Wasiirul dowlaha  Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ah meesha arrintaan laga soo abaabulay, Sidoo kale waxaa sheekadaan ku jiro Xildhibaan Dhagdheer, Xildhibaan Yuusuf Dhagey iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo arrintaan ku cadaadiyey inay soo daabacaan Warbaahinta dowladda gaar ahaan Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Miyey la ogaayeen Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka?:

Sida ay soo ogaatay Caasimadda lana soo xaqiijiyey Waraaqda uu soo saaray Wasiiru Dowlaha waxba kama ogeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshisiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo isagu ku maqan safar shaqo oo dalka dibadiisa ah, sidoo kalana waxaa la xaqiijiyey inuusan waxba kala socon isna wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo xilligaas waraaqda ay kusoo wargeliyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda oo ku arkay Baraha Bulshadau.

Qaladaadka ku jiray Waraaqdaan:

Sida aad ka arki kartaan qeybta hoose ee warbixintaan waraaqda uu soo saaray Wasiiru dowlaha kama muuqan qaab dowladeed iyo habkii looga bartay inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha usoo saarto Waraaqaha, haddaba hoos ka akhriso qaladaadka ku jiro waraaqdaan:

  1. Marka Hore waraaqda malahan wax taariikh ah.
  2. Sidoo kale malahan sumad iyo tif raac lagu garto waraaqdaan, iyadoo la ogyahay inay wasaaradda dhammaan waraaqaha kasoo baxo ay u sameyso Sumad lagu garto.
  3. Waraaqda ma jirto cid ku saxiixan inay soo saartay, midaas oo muujineyso inaysan sharci aheyn isla markaasna aan la qaadan karin waraaq uusan ku saxiixneyn Mas’uulka soo saaray.
  4. Ma lahan waraaqda wax Tiimbare ah, ogowse Tiimbaraha waa astaanta ugu weyn ee keento in la xaqiijiyo dhab ahaanshaha waraaqaha dowladeed iyo midda hey’adahaba.
  5. Waraaqihii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha kasoo bixi jiray waxaa dhexda uga buufsaneyd Caalmadda qaranka, balse midaan malaheyn waana waraaq cad oo wax lagu soo qoray.
  6. Waraaqda Af-Soomaaliga ku qoran ma aheyn qaab dowladeed, waxaana ka muuqday in deg deg loo qoray sidoo kalana uu qoray qof aan shaqadaas aqoon u laheyn iyo sida loo qoro waraaqaha dowladeed.
  7. Xilliga lasoo saaray waxay aheyd lix saac habeenimo taasoo muujineyso inay tahay mid lala dhuumanyey ileen horaa loo yiri (Xalaal barqo cad aa la quutaa).
  8. Loogada kore ama astaanta qaranka iyo magaca Wasaaradda waxaa muuqato inaysan aheyn middii saxda aheyd ee wasaaradda isticmaali jirtaym sababoo ah mugdi ayaa ku jiro.

Akhriso Waraaqda uu soo saaray Wasiirul dowlaha kadibna warbixinta sii akhri si aan kuu siino tusalaooyin badan:

Sidee u eg yihiin waraaqaha kasoo baxo Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Juxa)

Waraaqdii ay wasaaradda Arrimaha Gudaha ku taageertay xil ka qaadistii lagu sameeyey Madaxweynihii Galmudug Cosoble

Waad dareemi kartaa farqiga u dhaxeeyo waraaqdaan rasmiga iyo midda uu soo saaray Wasiirul dowlaha oo lagu sameeyey Xafiiska Ra’isulwasaaraha, bal ka fiiri qodobadii qaldanaa ee middii hore ku jirtay!! hubaal waad dareemi doontaa.

Sharciga muxuu ka qabaa Waraaqda Wasiiru Dowlaha?

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshisiinta waxaa madax u ah Wasiirka sida shuruucdo qabto, ansanna maahan in wasaaradda laga soo saaro waraaq uusan isaga ka warqabin raalina ka aheyn.

Tusaale waxaa kuugu filan, markii xilka laga qaadayey Xogyahihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof. Yaxye waxaa soo saaray Wasiir Juxa, waxaa ku dhawaaqay inay ka hor imaadeen Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru Dowlaha, markii ay arrinta gaartay Ra’isulwasaare Kheyre wuxuu ka dhawaajiyey inuu awoodda ugu sareyso wasaaradda leeyahay Wasiirka isla markaasna ay ansan tahay xil ka qaadistii uu sameeyey Wasiir Juxa.