Akhriso magacyada 127 dhaawac ah oo aanu ka warqabin ehelkooda oo ku kala jira Isbitaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo weli laga helaayo dhaawacyada la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada ugu badan ayaa la dhigay Isbitaalada Digfeer iyo Kalkaal oo ku yaalla Isgooyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Liisas lagu hardhay magacyada dadka qaba dhaawaca culus iyo kuwa fudud oo laga helay labada Isbitaal ayaa la sheegay inaanu dadkaasi heysan wax ehel ah oo ku wehliya Isbitaalada.

Bukaanada la faafiyay magacyadooda ayaa waxaan ka warqabin qoysaskooda, kuwaa oo magacyadooda lasoo gaarsiiyay Xafiiska Caasimada Online ee magaalada Muqdisho.

Liisaska dhaawacyada yaal Isbitaal Digfeer ayaa ah 122, halka Isbitaalka Kalkaal lagu hayo 127 oo qaarkood aanu kawarqabin eheladooda.

Dhawacyada dadka waaweyn ayaa badi la dhigay Isbitaalka Kalkaal, halka kan carruurta ay badankooda yaalan Digfeer.

Guud ahaan dhaawacyada la dhigay labada Isbitaal ”Digfeer iyo Kalkaal” ayaa ah 249 bukaan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA DHAAWACYADA YAAL ISBITAAL DIGFEER.

HOOS KA AKHRISO LIISKA DHAAWACYADA YAAL ISBITAAL KALKAAL.