Mas’uul xil muhiima ah u hayey dowlada Qadar oo ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha dibeda Qatar ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho uu dhaawac kasoo gaaray howl fuliyaheedii u qaabilsanaa Somalia.

Wasaarada ayaa sheegtay in howl fuliyaheedii Somalia uu ku dhaawacmay qalfoofta Qaraxa uu watay, hase ahaatee uu iminka yahay mid wanaagsan.

Axmed Saciid Al-Rumeyxi oo ah Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibeda Qatar ayaa xaqiijiyay in arrimo fuliyahooda Somalia uu dhaawaca soo gaaray.

Waxa uu cadeeyay in dhaawacaasi uu soo gaaray xili uu ku sugnaa dhismaha Safaarada oo ku taalla agagaarka Isgoyska Km4.

Axmed Saciid Al-Rumeyxi ayaa intaa ku daray in arrimaha fuliyahooda u qaabilsan Somalia iyo shaqaalaha Safaaradooda ay xaaladoodu fiican tahay.

Geesta kale, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay gacanta ku heyso dhaawaca mas’uulkaasi, maadaama uu lamid yahay boqolaalka shacab oo ay khasaaraha soo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com