Akhriso: Magacyada Xubnaha gudiga joogtada Aqalka Sare ee ku fashilmay xal u helida Mooshinka Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa kala diray guddiga Aqalka sare u qaabilsanaa xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka.

Ka hor inta aan la kala dirin guddiga ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayeen is casilaad, waxaana kamid ahaa Sanatorada dalbaday casilaada Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi ayaa intaa kadib maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah.

HOOS KA AKHRISO LIISKA GUDDIGA LA KALA DIRAY

Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa:

1-Cabdi Xaashi C/laahi (Guddoomiye).

2-Mowliid Xuseen Ducaale (Xubin).

3-Zamzam Ibraahim Cali (Xubin).

4-Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid (Xubin).

5-Maxamuud Axmed Mashruuc (Xubin).

6-Maxamed Amiin Sheekh Cismaan (Xubin).

7-Muxyadiin Sh. Cali Jaamac (Xubin).

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiye (Jawaari) ayaa u muuqda mid hada gaaray heer aad u kacsan, iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan go’aano sii hurinaya Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com