Jawaari iyo xulafadiisa oo ku dhawaaqay ajendaha kulanka sabtida ee golaha shacabka (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka, waxaana kulankaas shir gudoomiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu maalinta Sabtida ah ee soo socoto uu bilaabo howlihiisa caadiga ah,isla markaana uu furo kulanka golaha Shacabka.

Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay.

Waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo.

Xildhibaannada golaha shacabka ee “Badbaado” la baxay ayaa xalay qoraal ay soo waareen guddoomiye Jawaari ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi Buux oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.”

Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com