Maxaa ka dhaxeeya kutlada badbaadada baarlamanka 2018 iyo badbaadadii 2014?

“Caawa maxaa uga ek Xalay” “Awrka yar wuxuu leeyahay saan-qaadka kan Weyn” “Waa maadeys adduunyadu dadkuna way matalayaan”.

Barlamaanka Somaliya, gaar ahaan 5 tii ugu danbeysay waxaa soo maray; khilaaf, is qab-qabsi, buuq, kala qeybsanaan, Mooshino iyo bur-bur ku dhammaan jiray: ridis iyo dhisid Xukuumado, Madxweyne iyo Gudoomiye iwm. Sanad kastana Khaatuma xumo ayuu ku dhammaa jiray oo ah in la xiro ama la hakiyo hawlihiisa sida:

1-Barlamaankii Carte 2000, oo sanadkii ugu danbeeyey ku dhamaaday khilaaf lagu kala aaday Eldoret iyo Muqdisho.

2-Barlamaankii Embagathi 2004, oo ku bilawday Jawhar iyo Xamar, kuna dhamaaday Asmara iyo Muqdisho.

3-Barlamaankii Jabuuti 2009, oo ku dhamaaday Qunful Xaruntiisa iyo Kampala Accord.

4-Barlamaankii Muqdisho 2012, oo ku dhamaaday hawl-gab lagu bedelay Golihii Madashii Badbaado Qaran iyo Gudoomihii Barlamaanka oo xubin ka noqday kadib markii uu hakad geliyey hawlihii Barlamaanka.

5-Barlamaanka Maamul-gobaleedyada 2016, oo sanad kadib isku bilaabay khilaaf aan la ogeen qaabka uu ku dhammaan-doono 3 sano kadib.

Waxaan tusaale kooban u qaadan karnaa laba Kutlo oo ka kala tirsanaa Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, dhinacyada ay isaga ek-yihiin ama ay ku kala duwan-yihiin;

A-Kutlada Xalay lagu dhawaaqay ee la magac baxday “Badbaadada Barlamaanka” ee difaaceysa Guddoomiye Jawaari uuna hogaaminayo Mudane M. Cumar Carte.

B-Kutladii Badbaado Qaran ee 2014, oo difaaceysay Xukuumadii RW Cabdiweli, ayna hogaaminayeen Senator Dhegdheer iyo Senator Jurrile.

Xagga ay isaga ekaayeen labada Ciyaartoy!.

1-Magaca Badbaado iyo Tirada Ciyaartoyda ka wada tirsanaa.

2-Gudoomiye Jawaari oo Jilaa ka wada ahaa labada Ciyaar.

3-Qabyo oo Ciyaartoy ka wada aheed labada Ciyaarood iyo labada Garoon.

4-Xukuumaddii RW Cabdiweli iyo Xukuumadda RW Khayre oo ka kala ahaa Difaac iyo Weerar.

5-Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka kala ahaa Kaptan iyo Gool haye..

6-Carte iyo Dhegdheer oo wada ahaa kaaliyaal Difaac adag lkn la jebiyey difaacii dhegdheer, halka aan weli la ogeen difaaca Carte???.

7-Beesha Xalane oo isku day’day in ay labada Ciyaarood Arbiter ka noqoto lkn loo wada diiday.

8-Labada kooxood oo ku wada ciyaarayey garoonka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadk lkn ku kala duwanaa; dharka, kubbaddaha, calamada, kaptanada, aarbiitarada iyo taagee-yaasha.

9-Ciyaartoyda labada koox oo mar kasta ka yimaada; 2 Beel, 2 Deegaan, 2 Xizbi, 2 Jilayaal lkn Taageere-yaasha iyo Daawada-yaasha ay kala duwan-yihiinn.

10-Xilliga Ciyaarta oo mar kasta kusoo beegma sanadka 2 aad markii taba-barka loo xiro Kaptanada cusub.

Hadaba maalmaha soo socda waxaa noo bilaabanaya Ciyaar adag oo dhex mari doonta laba kooxood oo aad u culus aadna u taba baran lehna Ciyaartoy kayd ah iyo Taageerayaal jadbeysan oo ay kala hogaaminayaan; Kaptan Carte iyo Kaptan Khadiija M. Diiriye, waxaana sugeynaa Gool ka ugu horeeya iyo Dhibcaha ugu danbeeya ee la kala helo iyo sida ay ugu qanciyaar Taageerayaasha!.

W/Q. Mohamed Gacal