Guddigii Aqalka Sare u qaabilsanaa xallinta khilaafka Baarlamaanka oo la kala diray iyo sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kala diray xubnihii guddiga loo xilsaaray xallinta khilaafka ka aloosan mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddigan oo Sanatarada Aqalka Sare ay magacaabeen ayaa lagu eedeeyey in ay dhex dhexaad ka noqon waayeen xiisadda taagan iyadoo xubnaha 7da ah ee uu ka koobanyahay la sheegay in badankood ay la safteen garabka Guddoomiye Jawaari iyo xildhibannada Qabyo ee garabka siinaya.

Ilo wareedyo u dhuun daloolay shirka arrinkan ku saabsan ee ay yeesheen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa tilmaamaya in Guddoomiye Guddigaas ahna Guddomiyeha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi uu lahaa soo jeedinta kala dirista Guddigan, maadama ay u muuqatay in Sanataradaani aysan dadaalkii la filayey ku bixin xal u helista khilaafka Xildhibaannada.

Guddiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa la qorsheynayaa in ay mar kale magacaabaan xubno dhex dhexaad ka ah arrinkan, sidoo kalena awood u leh in ay xal waara ka keenaan khilaafkan rakadiyey shaqooyinki Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com