Somaaliland oo ka Jawaabtay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay QM

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay iyo kuwa ay gali doontaba.

Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiir arrimaha dibada ee Soomaaliland Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin dacwadii ka dhanka aheed Dowlada Imaaraadka iyo shirkada laga leeyahay dalkaasi DP World, waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha maamulka hawada, wuxuuna sheegay in Soomaaliland hawadeeda ay u madax banaantahay.

Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala.

Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World.

Warka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili weli uu taagan yahay khilaafka ka dhashay heshiiskii Saddex geesooka ahaa ee dhex maray Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World,heshiiskaas oo ay sharcidarro ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com