Akhriso: Qodobadii ka soo baxay shirkii ay 15-ka DAL ku yeesheen MUQDISHO

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Sida Wasiir Cawad uu sheegay Shirka waxaa Khudbad loo bogay ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
“ Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goob joog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad.
Sidoo kale,Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada.
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.