Daawo: Axmed Madoobe oo ka jawaabay guddigii uu R/W Kheyre magacaabay

Madaxwaynaha Jubbaland oo ka hadlay gabagabada shirka Garoowe uga Dowlad goboleedyadda ayaa ka fal-celiyay Guddiga ay xukuumadda Soomaliya u saartay inuu Aqalka Sare kala shaqeeyo xalinta tabashooyinka maamulada.

Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], hogaamiyaha waqtigu ka dhamaaday ayaa tilmaamay in talaabada ay qaaday xukuumaddu ay tahay mid lala soo daahday, isagoo ku sifeeyay “riyo aan waxba lagu maamuli karin”.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa fahfaahin ka bixiyey shuruudahooda ku aadan wada-hadal dhex mara maamullada iyo dowladda dhexe, wuxuuna daboolka ka qaaday inay doonayaan in cida dhex-dhaxaadineysa ay noqoto Soomaali.

“Turjumaan baan u baahan nahay oo Soomaali ah. Aqalka sare baa is-xilqaamay, jawaabtii laga sugayey [xukuumadda] waxay noqotay inay soo magacowdo Guddi afar wasiir ah, taasina waxaan u aragnaa riyo aan dad lagu maamuli karin,” ayuu yiri Axmed.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay deeq-bixiyaasha caalamka inay kala sixaabtamaan dowladda dhexe lacagaha ay siiyaan, taasi oo uu muujiyay inay rumeysan yihiin in aanu ku bixin meelo sax ah [Musuq-maasuq].

“Lacagaha waa in aysan noqon kuwa inaga nagula dhibaateeyo, waa inay noqdaan kuwa ku baxa meelaha saxda ah, taasina waa inay hubiyaan deeq-bixiyaasha,” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe oo luqad adag ku hadlayay.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa difaacay shir-waynaha ka dhanka ah dowladda hadda jirta oo ay dowlad goboleedyaddu iclaamiyeen, kaasi oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug, 45 cisho kadib.

Xigasho: Garowe Online