Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka qarxay magaalada, iyadoo uu dhex marayo ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in labada dhinaca ay is weydaarsanayaan hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana la soo weriyay inay ilaa afar qof ku dhinteen oo uu ka mid yahay oday nabadoon ahaa.

Ciidamada Jubbaland iyo ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa la sheegay inuu dagaalku u dhaxeeyo kadib xiisad ka dhalatay shaki ku saabsan maleeshiyadan oo ka taagneyd xaafadda Calanley ee magaaalda Kismaayo.

Dagaalka ka qarxay Kismaayo ayaa ka dambeeyay amarro ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada.

La soco wixii kusoo kordha dagaalkaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com